LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Agaasimihii Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo xilkii laga qaaday mid cusub oo la magacaabay

olaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen ku go’aamiyay in xilkii laga qaado Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mustaf Dhuxulow.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Agaasime cusub oo hoggaamin doona hay’addaasi, iyadoo xilkaas loo magacaabay Xuseen Qaasim Iidow.

Mas’uulka cusub ee loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa haatan sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista iyo Dhaqan-gelinta Dastuurka Xuseen Qaasim Iidow ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii si dhow ula shaqeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan howlaha la xiriira wax ka bedelka Dastuurka dalka.

Sidoo kale, Iidow waxa uu horay uga tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo door muuqda ku lahaa arrimaha sharci-dejinta iyo dib-u-habaynta dastuurka.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli ay jiraan dad badan oo Madaxweynaha ka sugaya xilal kala duwan, kuwaas oo door weyn ku lahaa dadaalladii lagu sameeyay wax ka bedelka Dastuurka, arrintaas oo weli khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *