Agaasimaha NISA oo ku baxay Shaqaaqadii ka dhacday degmada Deyniile

Waxaa degmada Deyniile magaalada Muqdisho ka dhacay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, xildhibaanno, Ugaaska Beesha Murusade, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha amni, xal u helidda cabashooyinka Dhulalka, shaqaaqadii ka dhacday Xaafada Warlaliska, sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa ammaanka.
Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa si gaar ah u dhageystay tabashooyin iyo talooyin ay soo bandhigeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo bulshada deegaanka. Qodobada laga hadlay waxaa kamid ahaa arrimaha la xiriira amniga, khilaafaadka dhulka, iyo baahida loo qabo in si dhow loo wada shaqeeyo si loo ilaaliyo xasilloonida deegaanka.
Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ayaa dowladda uga mahadceliyay dadaallada lagu xoojinayo nabadda, iyagoo sidoo kale codsaday in la dardargeliyo xal u helidda tabashooyinka la xiriira dhulka iyo amniga.
Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow oo dhex marta shacabka iyo hay’adaha ammaanka, si looga hortago falalka amni darro iyo kooxaha qalqal gelinaya nabadda.
Mahad Salaad ayaa sheegay in shacabka ay laf-dhabar u yihiin sugidda amniga, islamarkaana dowladda ay ka go’an tahay dhageysiga bulshada iyo ka jawaabidda baahiyahooda.
“Amniga waxaa saldhig u ah isku xirnaanta bulshada iyo hay’adaha dowladda. Marka bulshada iyo ciidamada ammaanka ay si wadajir ah u shaqeeyaan, waxaa suuragal noqonaysa in la helo nabad iyo xasillooni waarta,” ayuu yiri Taliyaha NISA.
Sidoo kale, Taliyaha NISA ayaa bulshada u xaqiijiyay in si dhab ah loo dhaqangeliyay go’aankii dowladda ay ku hakisay arrimaha la xiriira dhulka, si looga hortago muranno iyo xiisado ka dhasha boobka iyo isku dhacyada la xiriira lahaanshaha dhulka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqeynayaan ilaalinta sharciga iyo xaqiijinta in aan la sameyn tallaabooyin dhaawici kara nabadda bulshada.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo baaq ku wajahan shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana laga wada shaqeeyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wadajirka bulshada









