Madaxweyne Xasan Sheekh oo garab istaag u muujiyay dowladda Uganda oo Ciidamo ka joogaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta ka qayb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu caleemo-saarayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Yoweri Museveni, taas oo ka dhacday magaalada Kampala.
Munaasabaddan oo ay ka soo qaybgaleen madax iyo wafdiyo kala duwan oo ka socday dalalka Afrika iyo beesha caalamka, ayaa lagu maamuusay dib u doorashada Madaxweyne Museveni, oo sii hoggaamin doona dalka Uganda muddo kale. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa munaasabadda ka jeediyey hadal hambalyo iyo bogaadin isugu jiray, isaga oo u rajeeyey shacabka iyo dowladda Uganda nabad, horumar iyo xasillooni waarta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee kala dhexeeya Uganda, isagoo xusay doorka ay Uganda ku leedahay nabad ilaalinta iyo taageerada Soomaaliya, gaar ahaan howlgalada amniga iyo xasilinta dalka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu hambalyo u dirayaa Madaxweynaha dib loo doortay ee Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni, isaga oo u rajeynaya in hoggaamintiisa cusub ay horseed u noqoto guul, horumar iyo barwaaqo ay gaaraan shacabka Uganda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga Soomaaliyeed ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka. Waxa uu tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo horumarinta gobolka.
Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Uganda ayaa kusoo beegmaya xilli ay labada dal sii xoojinayaan wada shaqeynta ku aaddan la dagaallanka argagixisada, taageerada ciidamada nabad ilaalinta iyo horumarinta xiriirka labada shacab.
Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu badan ku leh howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana muddo dheer ay door muuqda ka qaadanaysay dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.









