LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniin ku soocta Shacabka ku nool degaannada Puntland

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digtay xaalado cimilo oo halis ah oo la filayo inay saameeyaan qaybo ka mid ah gobollada Bari iyo Nugaal maalmaha soo socda.

War-saxaafadeed ay maanta oo Talaado ah, 12-ka Maajo 2026, soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in saadaasha cimiladu muujinayso duufaan xooggan oo wata onkod iyo roobab culus (Thunderstorm), taasoo si gaar ah uga dhici karta degmooyinka Hafuun, Eyl, Dangoroyo, Bandarbayla, Qardho iyo magaalada Garoowe.

SoDMA waxay sheegtay in xaaladdan cimiladu socon karto muddada u dhexeysa 12-ka ilaa 17-ka Maajo 2026, iyadoo laga cabsi qabo inay keento khasaare kala duwan oo soo gaara dadka iyo deegaanka.

Hay’addu waxay bulshada uga digtay dhowr khatarood oo ka dhalan kara duufaantan, kuwaas oo ay kamid yihiin:

  • Roobab mahiigaan ah oo da’a
  • Dabeylo xooggan
  • Hillaac iyo onkod badan
  • Mowjado sare oo ka dhasha badda
  • Suurtagalnimada daadad degdeg ah (Flash Floods)
  • Carqalado ku yimaada isu socodka iyo kalluumeysiga badda

Sidoo kale, waxaa jirta cabsi laga qabo in duufaantu saameyn ku yeelato dadka ku nool dhulka xeebaha ah iyo meelaha biyo-mareennada ku dhow.

SoDMA ayaa shacabka ku nool deegaannada la saadaaliyay ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah isla markaana qaataan tallaabooyin badbaado.

Hay’addu waxay dadka kula talisay:

  • In laga fogaado safarada badda iyo kalluumeysiga inta ay digniintu socoto
  • In doomaha iyo qalabka kalluumeysiga lagu xiro meel ammaan ah
  • In bulshada ka fogaato togagga iyo meelaha daadadku ku badan yihiin
  • In carruurta iyo dadka nugul loo ilaaliyo meelaha halista ah
  • In la iska ilaaliyo geedaha dhaadheer iyo dhismayaasha daciifka ah xilliga dabeylaha xooggan
  • In si joogto ah loola socdo wararka iyo digniinaha rasmiga ah ee ay soo saarayaan SoDMA iyo maamulka Puntland
  • In bulshada diyaar u ahaato daad-gureyn degdeg ah haddii xaaladdu sii xumaato

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay si dhow ula soconayso xaaladda cimilada, isla markaana bulshada lala wadaagi doono wixii isbeddel ama digniino dheeraad ah oo kasoo baxa.

Ugu dambeyn, SoDMA waxay shacabka ugu baaqday inay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan sare si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara duufaantan la saadaaliyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *