Madaxweyne Xasan Sheekh oo Galinsoor lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha oo socdaal ku maraya deegaanada Galmudug ayaa safarkiisa ujeeddadiisu tahay inuu si dhow ugu kuurgalo xaaladda amniga, nolosha bulshada iyo baahiyaha shacabka ku nool deegaanada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa safarkiisa ku wehliya Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, waxaana magaalada Galinsoor ku qaabilay boqolaal ka mid ah shacabka oo safaf dhaadheer u galay soo dhoweynta wafdiga.
Isagoo shacabka kula hadlay goob fagaare ah, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay bulshada Galinsoor inay xoogga saaraan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Galinsoor ay noqoto deegaan nabdoon oo ay si walaaltinimo leh ugu wada noolaadaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.
Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli Galmudug ay wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo muhiim ah.










