LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaalkii Baydhabo: Xogta Khasaaraha iyo Wixii Ka Dhacay Gudaha Magaalada

Ugu yaraan 51 qof oo kala ah 46 askari iyo 5 rayid ah, ayaa lagu dilay dagaal aad u culus oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, sida ay sheegeen saraakiil amni iyo ilo caafimaad.

Dagaalka ayaa billowday waaberigii hore, kaddib markii ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay weerar abaabulan ku qaadeen fariisimo ay joogeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa taageersan maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Waxaa magaalada laga maqlay qaraxyo xooggan iyo rasaas culus iyo mid fudud, iyadoo dhaq-dhaqaaqii magaalada uu hakaday, ganacsiyo badanna ay albaabada laabeen, halka qoysas badan ay guryahooda ku xirmeen.

Ciidamada Laftagareen ayaa markii hore sheegay inay qabsadeen qeybo ka mid ah bartamaha Baydhabo, balse ciidamada dowladda ayaa saacado dagaal ah kaddib dib uga saaray magaalada, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in fariisimaha dowladda lagu weeraray gaadiid walxaha qarxa lagu soo raray, ayna ciidamada dowladda dileen ku dhowaad 30 dagaalyahan oo ka tirsan dhinaca weerarka soo qaaday.

Si kastaba, ilo amni oo labada dhinac xiriir la leh iyo ilo caafimaad ayaa sheegay in 46 dagaalyahan oo labada dhinac ah lagu dilay dagaalka, halka ugu yaraan 56 kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay dhimashada 5 qof oo rayid ah, iyadoo tirada khasaaraha rayidka ay kordhi karto maadaama isbitaallada Baydhabo ay weli qaabilayaan dhaawacyo iyo meydad laga soo qaadayo goobihii uu dagaalku ka dhacay.

Dagaalkan ayaa noqonaya mid ka mid ah dagaalladii ugu khasaaraha badnaa ee Baydhabo ka dhaca tan iyo markii khilaafka siyaasadeed uu ka dhex qarxay Laftagareen iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna si weyn u sii xoojiyay loollanka loogu jiro gacan ku haynta Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *