LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ah ka geystay hotel ku yaalla UK

Booliska Surrey ayaa dacwad isku day dil ah ku soo oogay nin Soomaali ah, kadib markii shaqaale hotel lagu dhaawacay weerar mindi ah oo ka dhacay Stanwell Hotel, oo ku dhow garoonka diyaaradaha Heathrow.

Booliska ayaa sheegay in ciidamo hubeysan loo diray hotelka fiidnimadii Sabtida, kadib warar sheegayay in nin la tooriyeeyay. Dhibbanaha oo ah shaqaale hotel ah oo 30-meeyadii ku jira ayaa loola cararay isbitaal, iyadoo markii hore xaaladdiisa lagu sheegay mid halis ah. Boolisku waxay sheegeen in xaaladdiisu hadda deggen tahay.

Abdifatah Yusuf Adani, oo 22 jir ah, ahna muwaadin Soomaali ah, ayaa weli ku jira gacanta booliska, waxaana la filayaa inuu Isniinta hor yimaado Maxkamadda Staines Magistrates Court, halkaas oo lagu soo oogi doono hal dacwad oo isku day dil ah.

Booliska Surrey ayaa sheegay inaysan raadinayn qof kale oo lala xiriirinayo dhacdada, balse ay weli goobta ku suganyihiin ciidamo Booliis ah oo xooggan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *