LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ammar culus iyo kala doorasho la hor-dhigay Golaha Wasiirada Soomaaliya

Xubnaha Golaha Wasiirrada ee sidoo kale ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la faray inay doortaan mid ka mid ah labada xil, Wasiirnimo ama xildhibaannimo, sida ku qoran waxka bedelka lagu sameeyay Dastuurka dalka oo ay dhawaan ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal.

Go’aankan ayaa si toos ah u taabanaya xubnaha xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, kuwaas oo hadda wajahaya doorasho adag oo ku saabsan sii haynta xilalka ay hayaan. Xildhibaannada wasiirrada ah ayaa laga doonayaa inay si cad u kala doortaan labadaas masuuliyadood si loo kala saaro awoodaha fulinta iyo sharci-dejinta.

Dhanka kale, dhammaan mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabayo waxaa lagu waajibiyey in loo maro habraaca ku xusan dastuurka cusub, kaas oo dhawaan uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamayaa mid lagu xoojinayo nidaamka dowladnimo, isla markaana lagu hubinayo in magacaabista xilalka dowladda ay noqoto mid waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

Isbeddelkan cusub wuxuu qeyb ka yahay dadaallo lagu doonayo in la adkeeyo kala madax-bannaanida hay’adaha dowladda, loona yareeyo isku milanka awoodaha, taas oo horey muran badan u dhalisay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *