Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsi u diray Siyaasiyiinta mucaaradka & Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu markale dalbaday in wada-hadallo siyaasadeed uu la yeesho siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka, xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadda dalka.
Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan kala hadlay safiirrada beesha caalamka, gaar ahaan Safiirrada Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo uu maalmihii u dambeeyay kulamo gooni gooni ah kula yeeshay magaalada Muqdisho.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu safiirrada u sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal siyaasadeed oo lagu xallinayo xiisadaha taagan, isla markaana uu doonayo in la furo bog cusub oo dhex mara dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka ay si cad uga horyimaadeen dalabkaas, iyaga oo ku tilmaamay “waqti lumis” iyo isku day dib loogu dhigayo xal dhab ah oo laga gaaro muranka siyaasadeed.
Mucaaradka ayaa la sheegay inay ku adkeysanayaan in maamulka iyo hannaanka doorashada laga wareejiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku doodaya in kalsoonidii siyaasadeed ee lagu qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay ay meesha ka baxday.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan hadal ka jeediyay munaasabad fagaaro ah, isagoo sheegay in muddo xileedkiisa uu ku egyahay 15-ka May 2027. Hadalkaas ayaa si weyn uga dhex abuuray falcelin siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaasi oo u arkay inuu yahay fariin muujineysa damac siyaasadeed oo sii dheeraanaya.









