Khasaaro ka dhashay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Magaalada Baydhabo

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhig ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin Xerada Maanya-fuulka ee magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan deegaanka, dhowr madfac ayaa ku dhacay gudaha iyo agagaarka xerada, iyadoo si weyn loo maqlayay jugta iyo qaraxyada ka dhashay madaafiicdaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaalad cabsi leh ay ka dhalatay weerarka, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ammaanka ay si deg deg ah uga jawaabeen weerarka, waxaana la sheegay in dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemay hareeraha xerada kadib madaafiicda la soo tuuray.
Kooxda Al-Shabaab ayaa war ay baahiyeen ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, iyagoo sheegay inay ku dhaawaceen saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda. Hase yeeshee, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab ee ku aaddan khasaaraha.
Xerada Maanya-fuulka ayaa kamid ah fariisimaha muhiimka ah ee ciidamada dowladda ku leeyihiin magaalada Baydhabo, waxaana marar kala duwan hore loogu qaaday weeraro noocan oo kale ah oo la xiriira xaaladda amni darrada ee ka jirta qeybo kamid ah gobolka Baay.









