Madaxweyne Trump oo Soomaaliya u magacaabay safiir cusub

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Devin Kennington u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo magacaabistan ay hadda u gudubtay Senate-ka Mareykanka si loo ansixiyo.
Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Kennington uu ka mid yahay shaqsiyaadka uu Trump u magacaabay xilal diblomaasiyadeed oo muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu Mareykanku dan weyn ka leeyahay, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka Al-Shabaab iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.
Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli Mareykanka uu weli door muuqda ku leeyahay arrimaha amniga Soomaaliya, iyadoo Washington ay taageerto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.
Haddii Senate-ku ansixiyo magacaabista, Devin Kennington ayaa noqonaya safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo xilka kala wareegi doona wakiilka hadda haya shaqada diblomaasiyadeed ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Magacaabista Kennington ayaa sidoo kale qeyb ka ah magacaabisyo cusub oo uu maamulka Trump sameeyay, kuwaas oo ay ku jiraan safiirrada Mareykanka ee Soomaaliya, Jabuuti, Haiti iyo Suriname.









