LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Diyaaradaha Turkiga oo duqeeyay ciidanka Laftagareen & Wararkii ugu dambeeyay

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay duqeymo culus ay ka dhaceen duleedka magaalada Baydhabo, gaar ahaan deegaanka Ceel-Muud, oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dhowr gantaal ay ku dhaceen goobo la sheegay inay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in duqeymaha loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, kuwaas oo horey loogu soo eedeeyay inay duqeymo ka fuliyeen deegaanno ku dhow Baydhabo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeymaha ay ahaayeen kuwo culus, waxaana la maqlayay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay aagga Ceel-Muud.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in duqeymaha ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hase yeeshee tirada rasmiga ah ee khasaaraha ilaa hadda lama xaqiijin.

Duqeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Baay ay aad u kacsan tahay, iyadoo xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay sii xoogeysaneyso.

Banaadir24 Online waxay sii wadi doontaa la socodka xaaladda iyo xogta cusub ee kasoo baxaysa deegaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *