LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay inay shacabka Baydhabo ku qasbeyso dibadbaxyo lagu taageerayo Turkiga

Maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa eedeyn culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, iyagoo ku eedeeyay inay shacabka Baydhabo iyo deegaannada ku dhow dhow cadaadis ku saarayaan ka qeybgalka dibadbaxyo lagu taageerayo Dowladda Turkiga.

Qoraal kasoo baxay xafiiska afhayeenka maamulka Laftagareen, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa lagu sheegay in Dowladda Turkiga, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Jamaac ay cadaadis ku saarayaan shacabka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dadka ku nool Baydhabo, si ay uga qeyb galaan isu-soo-baxyo lagu taageerayo Turkiga.

Maamulka Laftagareen ayaa sheegay in dibadbaxyadaasi loo adeegsanayo in lagu qariyo waxa uu ku tilmaamay “duqeymo aan kala sooc lahayn” oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno hoos taga Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Afhayeenka ayaa shacabka Koonfur Galbeed, gaar ahaan reer Baydhabo, ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar, isla markaana ay ka fogaadaan isu-soo-baxyada iyo wax kasta oo uu sheegay inay khatar gelin karaan ammaankooda.

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada siyaasadda Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *