LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne hore Shariif oo ku hanjabay Xasan Sheekh xoog…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in dulqaadkii laga qabay hoggaanka hadda jira uu gabaabsi yahay, isla markaana loo baahan yahay tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo.

War-saxaafadeed uu soo saaray, Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inay ku fashilantay gudashada waajibaadkii dastuuriga ahaa, isla markaana ay wiiqday hay’adihii dowladnimada.

Wuxuu sheegay in muddo xileedkii Baarlamaanka iyo xukuumadda ay ku jireen xaalad jahawareer ah, iyadoo lagu guul-darreystay in la qabto doorashooyin ku dhaca waqtigooda, taasoo abuurtay kalsooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

“Waxaan hore u muujinnay dulqaad badan, balse hadda waxaa la joogaa waqtigii laga hortagi lahaa hoggaan aan dalka u horseedin horumar iyo xasillooni,” ayuu yiri Shariif.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in la mideeyo dadaallada mucaaradka iyo bulshada rayidka ah si loo ilaaliyo dastuurka, loona xaqiijiyo nidaam dimuqraadi ah oo dalka ka hirgala.

Ugu dambeyn, Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka inay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, ayna ilaaliyaan waajibaadkooda qaran ee sugidda nabadda iyo amniga dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *