Puntland oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ku dhowdahay inay burburto

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Puntland oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya xaaladda dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah uga dooday xaaladda guud ee Soomaaliya, iyagoo muujiyey walaac ku aaddan marxaladda hubanti la’aanta ah ee dalku galay, kaddib markii uu 14-kii Abriil 2026 dhammaaday waqtigii rasmiga ahaa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.
Goluhu wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaanayo in uu ka faa’iideysto muddada kooban ee u hartay, si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo horseedi kara qabsoomidda doorashooyin ay si wadajir ah u oggol yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda, taas oo muhiim u ah xasilloonida iyo mustaqbalka dalka.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Puntland ayaa ansixiyey Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka. Qorshahan ayaa lagu doonayaa in mustaqbalka fog Puntland ay gaarto isku-filnaansho dhinaca adeegyada caafimaadka, isla markaana la horumariyo tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshada.










