Ciidamada taageersan Laftagareen oo ku hanjabay inay weerarayaan Goobaha lagu qabanayo doorashooyinka

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Maamulkii Koonfur Galbeed ee Laftagareen ayaa shacabka ku nool deegaannada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Baydhabo, loogu digay inay ka fogaadaan goobaha lagu qabanayo doorashada qof iyo Codka ah iyo fariisimaha ay ku sugan yihiin ciidamada.
Qoraalka oo ku taariikhaysnaa 09-ka May 2026, islamarkaana kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee taageersan Laftaagreen, ayaa lagu sheegay in goobahaasi ay yihiin bartilmaameedyo amni oo halis geli kara badqabka shacabka.
War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah loogu sheegay shacabka inay si buuxda uga fogaadaan goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada , iyadoo talisku xusay in sidoo kale khatar amni ay ka jirto goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada.
“Waxaa lagu wargelinayaa shacabka inay si buuxda uga fogaadaan goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada iyo sidoo kale goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada, maadaama goobahaasi ay yihiin bartilmaameedyada ciidamada,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Taliska ayaa sidoo kale shacabka uga digay isu-socodka iyo joogitaanka goobahaasi ilaa amar dambe oo kasoo baxa hay’adaha amniga, iyagoo xusay in tallaabadan ay tahay mid lagu ilaalinayo badqabka iyo nabadgelyada bulshada.
“Shacabka waxaa laga codsanayaa inay muujiyaan feejignaan sare kana fogaadaan isu-socodka ama joogitaanka goobahaasi ilaa amar dambe laga soo saarayo hay’adaha amniga ee ay khusayso,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Digniintan cusub ayaa kusoo aadeysa xilli Maalinta Axadda ah ee todobaadkan la qorsheynayo in guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed ay ka billaawdaan doorashooyinka isku sidkan ee Golaha degaanka iyo Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.










