Madaxweyne Cirro oo booqanaya Qudus, xilli Somaliland Safaraad ka furaneyso Caasimadda Falastiin

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa lagu wadaa inuu bisha Juun ee soo socota booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil, sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil qaarkeed. Wararka ayaa sheegaya in socdaalkaasi uu qeyb ka yahay qorshe Somaliland ay safaarad uga furaneyso magaalada Quddus.
Sida lagu sheegay warbixino kasoo baxay idaacadaha iyo warbaahinta Israa’iilka, Somaliland ayaa qorsheyneysa inay safaaraddeeda cusub ka dhigato magaalada Quddus, halkaas oo Israa’iil u aqoonsan tahay caasimaddeeda. Tallaabadan ayaa noqon karta mid siyaasadeed oo xasaasi ah, maadaama inta badan dalalka caalamka ay safaaradahooda ku leeyihiin magaalada Tel Aviv, iyaga oo ka fogaanaya muranka taagan ee ku saabsan xaaladda Quddus.
Quddus ayaa ah magaalo ay ku muransan yihiin Israa’iil iyo Falastiin, waxaana bulshada caalamka badankeed ay u arkaan dhulka Bariga Quddus inuu yahay dhul Falastiiniyiintu mustaqbalka u doonayaan inuu noqdo caasimaddooda. Qaramada Midoobay iyo dalal badan ayaa hore uga digay tallaabo kasta oo beddeli karta xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee magaaladaasi.
Haddii Somaliland ay safaarad ka furato Quddus, waxay noqon doontaa maamulkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee sidaas sameeya, arrintaas oo dhalin karta falcelin siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo xooggan, gaar ahaan gudaha Soomaaliya iyo dunida Islaamka.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in xiriirka Somaliland iyo Israa’iil uu muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin heshiisyo waaweyn oo labada dhinac gaareen. Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan furitaanka safaaradda ama socdaalka Madaxweyne Cirro.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay taageerada ay u hayso shacabka Falastiin iyo in Quddus ay tahay caasimadda dowladda Falastiin ee mustaqbalka. Sidoo kale, ururrada Islaamka iyo qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay si adag uga falceliyaan haddii qorshahan la xaqiijiyo.









