Madaxweynaha Somaliland oo weerar Afka ah ku qaaday Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay fadhi wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Wakiilada iyo Guurtada Somaliland ku weeraray dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dowlad gooni isu taagtay oo aan ka laabaneyn go’aankeeda madax-bannaani, isagoo xusay in aysan jirin qorshe ay dib ugu midowdo Soomaaliya.
“Dowladda Xamar waxaan u sheegayaa Somaliland waa qaran, dibna u soo laaban meyso. Jidka kaliya ee u furan Soomaaliya waa inaan noqono laba dal oo deris ah,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Hadalka Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujinayay caro xooggan, isagoo tilmaamay in Somaliland ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah.
Dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii Israa’iil ay muujisay daneyn ku aaddan inay aqoonsatay Somaliland, arrintaas oo dhalisay caro ka timid dowladda Soomaaliya, oo si adag uga soo horjeesatay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada dalka.
Hadalkan cusub ee ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, kaas oo salka ku haya mustaqbalka iyo midnimada dalka Soomaaliya.









