LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Waqooyi Bari oo Maanta Ammar culus soo saaray

Wasaaradda Amniga ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo si adag u mamnuucaya ka ganacsiga hubka sharci-darrada ah, rasaasta iyo agabka ciidamada, iyadoo tallaabadan lagu xoojinayo amniga guud ee deegaannada maamulkaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo hadda ay si cad u reeban tahay in shacabka ay ka ganacsadaan ama gacanta ku hayaan hub sharci-darro ah, rasaas iyo qalab ciidan, kuwaas oo ay sheegtay inay si gaar ah ugu xiran yihiin hay’adaha dowladda.

Wasaaraddu waxay sidoo kale digniin culus u dirtay cid kasta oo lagu qabto falalkaas, iyadoo xustay in laga qaadi doono tallaabo sharciyeed adag, lana horgeyn doono hay’adaha garsoorka si waafaqsan shuruucda dalka.

Dhanka kale, Wasaaradda Amniga ayaa ugu baaqday shacabka ku nool deegaannada Waqooyi Bari inay ka fogaadaan wax kasta oo khatar ku ah amniga, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud.

Ugu dambeyn, maamulka ayaa carrabka ku adkeeyay in ilaalinta amniga iyo xasilloonida ay tahay mas’uuliyad wadajir ah, isla markaana cid kasta oo jebisa sharciga lala xisaabtami doono si loo sugo badbaadada bulshada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *