LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Booliska Soomaaliya oo Gacanta ku dhigay Nin dil geystay

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee ciidanka, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane horey dil uga geystay deegaan ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Eedeysanahan ayaa muddo dheer waxaa raadinayay Hoggaanka CID, iyadoo horey ay uga jirtay waaran qabasho ah oo lagu baadi goobayay. Kadib howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka, waxaa laga soo qabtay Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan magaalada Marka.

Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ayaa eedeysanaha ku wareejiyay Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, si loo horgeeyo maxkamadda awoodda u leh, loona marsiiyo cadaaladda.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale caddeeyay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo la dagaallanka dambiyada, iyagoo shacabka ku boorriyay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xoojiyo nabadda iyo kala dambeynta dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *