Duqii Magaalada Hargeysa iyo kuxigeenkiisa oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo…

Golaha Deegaanka ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa goordhow cod u qaaday xil ka qaadis lagu sameeyay Duqii Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku-xigeenkiisii Khadar Axmed Cumar, kaddib fadhi ay yeesheen xubnaha golaha deegaanka.
Kulanka golaha ayaa yimid kaddib markii shalay si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan ahaa labada mas’uul, iyadoo xubnaha mooshinka keenay ay ku eedeeyeen maamulka magaalada arrimo la xiriira xil gudasho la’aan, tabashooyin dhinaca maamulka ah, iyo sida loo wajahay shaqaaqooyinkii iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa.
Xubnaha Golaha Deegaanka ee taageeray mooshinka ayaa sheegay in maamulka xilka laga qaaday uu ku fashilmay xalinta dhibaatooyinka ka taagan magaalada, gaar ahaan arrimaha amniga, nadaafadda, adeegyada bulshada iyo xal u helidda shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee caasimadda ka dhacay.
Wararka laga helayo xarunta Golaha Deegaanka ayaa sheegaya in 9 xubnood oo ka tirsan golaha ay u codeeyeen xil ka qaadista Maayar Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku-xigeenkiisa Khadar Axmed Cumar, taasoo keentay in si rasmi ah xilka looga tuuro labada mas’uul.
Dhinaca kale, Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa isla kulankaasi ku doortay maayar cusub oo hoggaamin doona caasimadda Hargeysa. Waxaa xilka Maayarka Magaalada loo doortay Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), halka xilka Maayar ku-xigeenka loo doortay Aadan Cabdi Jaamac (Mideeye).
Doorashada masuuliyiinta cusub ayaa lagu sheegay mid lagu doonayo in dib loogu soo celiyo hufnaanta maamulka iyo dardargelinta adeegyada bulshada ee caasimadda Hargeysa.
Xilka qaadistan ayaa noqoneysa mid si weyn looga hadal hayo gudaha Somaliland, maadaama Cabdikariin Axmed Mooge uu kamid ahaa masuuliyiinta sida weyn looga yaqaanay siyaasadda Somaliland, isla markaana taageero badan ku lahaa bulshada qaybaheeda kala duwan.









