Ciidamo iyo Shacab ku dagaalamaya degmada Deyniile iyo xaalad kacsanaan ah oo ka jirta

Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa saaka markale wajahday xaalad amni oo kacsan, kaddib markii dagaal xooggan uu ka qarxay xaafado ka tirsan degmadaas oo Maanta ay markale Dowladda Soomalaiya geyay Ciidamo farabadan si dadka degan Xaafada Warlaliska ay dhulkooda uag saaraan
Dadka ku nool Dayniile ayaa shalay muujiyay iska caabin xooggan, waxaana maanta markale la arkayay iyagoo u istaagay difaaca dhulkooda, iyagoo ku adkeysanaya inaysan aqbali doonin in si qasab ah looga saaro guryahooda iyo dhulkooda, waxaana dadka rasaas ku furay Ciidamada dowladda, xilli ay bannaan baxayeen.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmada Dayniile, gaar ahaan xaafadda Warlaliska, oo dhigay banaanbaxyo, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay difaacaan dhulkooda, iyagoo ku eedeeyay kooxo ay ku tilmaameen “burcad wata magaca dowladda” inay doonayaan inay si sharci darro ah ku qabsadaan dhulkooda.
Tani ayaa noqonaysa maalintii labaad oo xiriir ah oo xiisad iyo dagaal ay ka dhacaan xaafado ka tirsan degmada Dayniile, iyadoo weli aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan dhacdooyinkan.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana jira cabsi laga qabo in dagaalladu sii xoogaystaan haddii aan xal degdeg ah laga gaarin muranka ka taagan dhulka, iyada oo la sheegay in weerarka lagu qaaday Deyniile ay hoggaaminayaan Saraakiil caan ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliya.









