Maaxweynaha Puntland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho, kana qeyb-galaya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shir wadahadal ah oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo caasimadda.
Madaxweyne Deni oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu qeyb ka noqdo kulamo siyaasadeed oo u dhexeeya xubno metelaya mucaaradka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka, amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Warar laga helayo ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in shirkaan ay garwadeen ka yihiin wakiillo ka socda beesha caalamka, iyadoo si gaar ah loo hadal hayo doorka dalalka reer galbeedka ay ku leeyihiin dadaallada lagu doonayo in dhinacyada isku aragtida duwan lagu soo dhoweeyo miiska wada hadalka.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u beenisay wararka sheegaya in dowlado shisheeye, gaar ahaan Mareykanka, ay si toos ah u dhexdhexaadinayaan Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku adkeystay in wada hadallada ay yihiin arrimo gudaha ah oo Soomaalidu xallinayso.
Dhanka kale, xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in shirkaan lagu qaban karo xarun ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ku leedahay gudaha xerada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo inta badan lagu qabto kulamada xasaasiga ah ee siyaasadeed iyo kuwa amniga.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin iyo madax hore ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waday kulamo iyo bayaano ay ku muujinayeen walaaca ay ka qabaan jihada siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku baaqayay wadatashi qaran oo loo dhan yahay.









