LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Waqooyi Bari oo dacwad ka gudbiyay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa cabasho rasmi ah ka gudbisay sarkaal lagu magacaabo George Conway, oo ka tirsan Qaramada Midoobay. isla markaana aha siihayaha Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Warqad rasmi ah oo loo diray Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Conway uu jebiyay mabaadi’da aasaasiga ah ee gargaarka bini’aadantinimo, islamarkaana uu carqaladeeyay mashaariic horumarineed oo ka socday deegaannada maamulkaas.

Wasaaradda ayaa sheegtay in falalka lagu eedeeyay sarkaalkan ay si gaar ah u saameeyeen bulshada nugul, kuwaas oo laga hor istaagay adeegyo muhiim ah iyo fursado horumarineed.

Sidoo kale, maamulka Waqooyi Bari wuxuu ku eedeeyay Conway inuu wali u arko gobolka dhul lagu muransan yahay, taasoo ay ku tilmaameen mid ka hor imaanaysa qaab dhismeedka federaalka Soomaaliya.

“Falalkan waxay khatar ku yihiin midnimada qaranka, waxayna dhaawacayaan kalsoonida hay’adaha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warqadda.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dowladda federaalka:

  • In baaritaan degdeg ah lagu sameeyo eedeymaha
  • In lala shaqeeyo hay’adaha Qaramada Midoobay
  • In la xaqiijiyo in gargaarka iyo horumarka si siman loogu qaybiyo dalka

Ugu dambeyn, maamulka Waqooyi Bari wuxuu adkeeyay inuu diyaar u yahay wada shaqeyn, si loo hubiyo in mashaariicda horumarineed ay ku socdaan si caddaalad ah oo hufan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *