LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kulan aan caadi aheyn oo Caawa ka dhacaya Guriga Sheekh Shariif

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa kulan casho ah la qaadanaya xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda beelaha Hawiye.

Sida ay ilo muhiim ah u xaqiijiyeen warbaahinta, kulankan ayaa ah mid wadatashi guud ah oo mucaaradku la yeelanayo xildhibaannada, waxaana ka qeyb galaya xubno isugu jira mucaarad iyo muxaafid. Ujeeddada kulanka ayaa lagu sheegay in la is dhaafsado aragtiyo siyaasadeed iyo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira jihada siyaasadeed ee hadda jirta.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale tilmaamaya in aan weli la hubin ka qeyb galka xubnaha muxaafidka ah ee aad ugu dhow madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo lagu wado inay go’aan ka gaaraan ka soo qeyb galka kulanka.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay jireen dadaallo wadatashi oo hore, waxaana la xusuustaa in shirkii shalay dhex maray mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka uu baaqday, kaddib markii ay ka maqnaadeen odayaasha dhaqanka ee beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *