Abwaan iyo Askar ku geeriyootay Shaqaaqo ka dhacday Xero uu booqday Madaxweynaha Puntland

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska horimaad hubeysan oo saaka ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Janeraal GIRIIN, oo ku taalla magaalada Badhan, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo ka tirsan Puntland.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, rasaasta ayaa bilaabatay kadib markii ciidamo tababar uga socday xeradaasi ay sameeyeen gadood la xiriira cabashooyin aan weli si rasmi ah loo shaacin, waxaana xigay in ilaaladii xeradu rasaas xooggan ku fureen askartaasi.
Iska horimaadka ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Abwaan Axmed Nuur oo ka tirsanaa ciidamada Puntland, iyadoo sidoo kale ay dhinteen laba askari oo kale. Wararka hordhaca ah ayaa intaas ku daraya in tiro kale oo ciidamo ah ay ku dhaawacmeen rasaasta, kuwaasi oo qaarkood loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in gudaha xerada laga maqlayay rasaas culus muddo kooban, taasoo cabsi gelisay shacabka ku nool agagaarka xerada Janeraal GIRIIN.
Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Puntland ama saraakiisha ciidamada oo si faahfaahsan uga hadlay sababta dhalisay gadoodka iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadaasi.
Xerada Janeraal GIRIIN ee magaalada Badhan ayaa kamid ah xarumaha muhiimka ah ee lagu tababaro ciidamada Puntland, waxaana dhowaan booqday Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, xilli uu safar shaqo ku joogay gobolka Sanaag.









