Laftagareen oo war culus kasoo saaray duqeyntii Taliye Shub & Xasan Sheekh iyo Turkiga oo…

Xafiiska Madaxweynihii Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo saaray war-saxaafadeed si adag loogu cambaareeyay duqeymo cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16, kuwaas oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo iyo nawaaxiga Magaalada Baydhabo.
Qoraalka ka soo baxay maamulka ayaa lagu xusay in duqeymahaas ay ku lug lahaayeen laba nin oo Turki ah iyo hal Soomaali ah. Maamulku wuxuu sheegay in uu og yahay shakhsiga bixiyay amarka duqeymaha, wuxuuna ku dhowaaqay in uu ka qaadi doonto tallaabo kasto oo ku habboon.
Xafiiska Madaxweynaha ayaa cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub), iyo sidoo kale duqeyntii maanta oo Jimce ah ka dhacday nawaaxiga Baydhabo. Koonfur Galbeed waxay ku eedeysay ciidamada uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay si gardarro ah ugu soo duuleen deegaannadooda, iyadoo lagu aaminsan yahay in hadafka duqeynta uu ahaa in lagu khaarijiyo Taliyaha.










