LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dhaawaca Taliye Shub oo laga qaaday degmada Doolow

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Shub”, ayaa dhaawaciisa laga qaaday degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dabiibayo, sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ka tirsan ehelkiisa.

General Shub ayaa dhaawacmay kadib duqeyn xalay lala beegsaday hoygiisa ku yaalla degmada Doolow. Wararka la helayo ayaa sheegaya in xaaladdiisa caafimaad hadda lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla Nairobi.

Sawirro iyo muuqaallo laga helay guriga uu deganaa Taliye Shub ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha, kaddib duqeyntii dhacday xalay.

Dhacdadan ayaa dhalisay hadal-heyn iyo eedeymo kala duwan oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka. Qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadda iyo amniga ayaa horay u sheegay in diyaarado dagaal lagu fuliyay duqeynta, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdada.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in xogaha horudhaca ah ee hay’adaha amnigu ay tilmaamayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga, iyadoo ku dhawaaqday in guddi xaqiiqo-raadin ah loo magacaabayo si loo baaro dhacdada, ujeeddadii laga lahaa iyo cidda ka dambeysay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *