LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo xoogan geyneysa Baydhabo & Laftagareen oo lasoo afjarayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in ciidamo dheeraad ah oo dhawaan kasoo laabtay tababaro militari oo ay ku qaateen Turkiga loo diro deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Ciidamadan ayaa la filayaa in loo adeegsado xoojinta amniga iyo ka hortagga weerarro ay dowladda ku eedeyneyso ciidamo daacad u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Sida qorshuhu yahay, saddex urur ciidan oo dhawaan Turkiga kasoo laabtay ayaa la diyaarinayaa, iyadoo laba ka mid ah loo qorsheeyay in loo daabulo magaalada Baraawe. Ciidamadaasi ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan sugidda amniga xarumaha maamulka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Dhanka kale, dowladda Federaalka ayaa qorsheyneysa in la dardargeliyo qorshaha lagu ballaarinayo awoodda Baraawe ee martigelinta xarumaha maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in la dhiso xarumo cusub iyo kaabayaal kale oo muhiim u ah maamulka.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Baydhabo, iyadoo dowladda Federaalka ay dooneyso in xal loo helo xaaladda amni ee magaalada, isla markaana maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah loogu saleeyo caasimaddiisa dastuuriga ah.

Haddii qorshahan la fuliyo, waxaa uu noqon karaa tallaabo cusub oo dowladda Federaalka ay ku xoojinayso joogitaankeeda amni ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baraawe oo loo qorsheynayo inay noqoto xarun muhiim u ah maamulka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *