Wargeys Mareykan ah oo shaaciyey In Al-Shabaab ay ka adkaatay ciidamada Midowga Afrika

Majaladda caalamiga ah ee Foreign Policy ayaa warbixin cusub oo si weyn diiradda loogu saaray Soomaaliya ku soo bandhigtay sida Al-Shabaab ay uga badbaadday in ka badan labaatan sano oo ay ciidamada Midowga Afrika ka wadeen dalka howlgallo amni.
Warbixinta oo cinwaankeedu yahay “Sida Al-Shabaab uga adkaatay ciidamadii nabad ilaalinta ” ayaa dib u eegaysa dagaalka muddada dheer ee u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayeen ciidamada Midowga Afrika.
Foreign Policy waxay tilmaamaysaa in inkastoo ciidamada Midowga Afrika ay Soomaaliya ka fuliyeen hawlgallo ballaaran, isla markaana ay door weyn ku lahaayeen dib u qabsashada magaalooyin iyo deegaano ay Al-Shabaab maamuli jirtay, haddana kooxda ay weli awood u leedahay inay sii waddo dagaalka iyo weerarrada.
Warbixintu waxay si gaar ah su’aal uga keenaysaa natiijada guud ee dadaalladii militari ee muddada dheer socday, iyadoo xustay in Al-Shabaab maanta weli tahay xoog hubeysan oo awood u leh inuu caqabado waaweyn ku abuuro dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM uu wajahayo su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa, maalgelintiisa iyo awoodda ciidamada Soomaaliya ee la wareegaya mas’uuliyadda amniga.
Foreign Policy waxay sidoo kale xustay isbeddelka ku yimid doorka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, iyadoo muddo dheer ciidamada Midowga Afrika ay laf-dhabar u ahaayeen howlgallada lagu taageerayay dowladda Soomaaliya.
Haddaba, su’aasha weyn ee ka dhalanaysa warbixinta ayaa ah: haddii ciidamadii Afrika ay muddo ka badan labaatan sano dagaal kula jireen Al-Shabaab, maxay tahay waddada Soomaaliya u baahan tahay si ay ugu dambeyn ula wareegto mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka?
Warbixinta Foreign Policy waxay dib u furtay doodda ku saabsan natiijada howlgaladii ciidamada Afrika iyo caqabadaha weli horyaalla Soomaaliya xilli mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed.









