Taliyihii Booliska KGS oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Dowladda Soomaaliya

Taliyihii Daraawiishta Koonfur Galbeed, Garabka Lafta Gareen, Isaaq Cali Isaaq, ayaa hadallo kulul ka jeediyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka, isagoo si adag u eedeeyay dowladda federaalka iyo hoggaanka sare ee dalka.
Taliyaha ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Koonfur Galbeed lagu qaaday weerar siyaasadeed iyo mid militari, isagoo ku dooday in arrintu aysan ahayn mid ay ku lug leeyihiin beelo Soomaaliyeed oo kale, balse ay tahay “afgambi qorsheysan.” Waxa uu carrabka ku adkeeyay in shacabka Koonfur Galbeed ay iyagu go’aansanayaan aayahooda, isla markaana aysan aqbali doonin wax lagu qasbo.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in isbeddelka lagu sameeyay maamulka uusan marin hannaan sharci ah, balse lagu fuliyay awood iyo xoog. “Wadadii saxda ahayd lama marin, qoray baa nalagu qabsaday, annagana qoray baan kaga jawaabi doonaa,” ayuu yiri.
Isaaq Cali Isaaq ayaa sheegay in ka bixitaankoodii Baydhabo uu ahaa xeelad dagaal, isla markaana ay hadda diyaar u yihiin inay dagaal ka bilaabaan gudaha magaalada iyo meel kasta oo ay u arkaan lagama maarmaan.
Dhanka kale, wuxuu caddeeyay in aysan jirin xal kale oo aan dagaal ahayn, isagoo ku eedeeyay dowladda inay jebisay ballan horey loo wada galay. Wuxuu xusay in ciidamadoodii hubka laga dhigay lana kala diray iyada oo aan lagala tashan, taasoo sababtay xiisadda sii kordheysa.
Ugu dambeyn, taliyaha ayaa shacabka uga digay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada uu sheegay in si gaar ah loo tababaray, isagoo sheegay in ay yihiin “dulmidiid” diyaar u ah inay iska difaacaan waxa ay u arkaan dulmi.