FEATUREDLATEST NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Maanta soo bandhigeysa Gaadiidka dagaalka & hub casri ah

Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelinaysa bandhig ciidan oo ballaaran, kaas oo lagu xusayo 66-sano guuradii kasoo wareegtay markii la Aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana lagu muujinayo horumarka iyo dib u dhiska lagu sameeyay ciidanka qaranka.

Bandhiggan oo ka dhici doon Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa la sheegay inuu ka duwanaan doono kuwii hore, iyadoo lagu soo bandhigi doono qalab ciidan oo casri ah, gaadiid dagaal iyo hub kala duwan.

Diyaaradaha casriga ah ee la filayo in lagu arko bandhigga waxaa ka mid ah F-16 Fighting Falcon, T-129 ATAK iyo Bayraktar TB2, kuwaas oo muujinaya heerka tiknoolajiyadeed ee ciidamada ay hiigsanayaan. Sidoo kale, markii ugu horreysay ayaa la filayaa in nidaamka difaaca cirka lagu soo bandhigo munaasabadda.

Kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa sameyn doona dhoolatusyo iyo socod ciidan, iyagoo soo bandhigaya tababarkooda iyo diyaargarowgooda difaac.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan dowladda ayaa ka qeyb geli doona bandhigga, halkaas oo ay ka jeedin doonaan khudbado la xiriira horumarka ciidanka iyo muhiimadda ay u leeyihiin amniga qaranka.

Bandhiggan ayaa loo arkaa mid muujinaya dadaallada dowladda ee ku aaddan dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada, iyadoo sidoo kale fariin u diraya shacabka iyo caalamka ku saabsan awoodda iyo isku filnaanshaha sii kordhaya ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *