LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Khilaaf Cusub oo Qarxay: Gabeyre oo diiday Xilka qaadistii ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa si adag u diidday go’aankii Golaha Wasiirrada ee xilka looga qaaday Guddoomiyaha Rugta, Gabeyre, laguna magacaabay guddoomiye cusub, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid aan sharciyad iyo aqbalaad toona lahayn.

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gabeyre oo ka hadlay tallaabada ay qaadeen golaha wasiirada Soomaaliya ayaa cadeeyay in inuusan aqoonsanayn go’aanka dowladda, isla markaana ui weli isagu yahay Guddoomiyaha sharciga ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Khilaafkan ayaa daba socda bilooyin ay jireen muranno u dhexeeyay dowladda iyo hoggaanka Rugta Ganacsiga, kuwaas oo salka ku hayay maamulka iyo cidda metelaysa hay’adda ganacsatada Soomaaliyeed. Murankaas ayaa horseeday in labada dhinac ay yeeshaan mowqifyo iska soo horjeeda.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay go’aanka Golaha Wasiirrada, marka laga reebo qaraarkii lagu magacaabay guddoomiye ku-meel-gaar ah.

Khilaafkan cusub ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo ismari-waaga ka taagan hoggaanka iyo maamulka mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee matala ganacsatada Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *