LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Jimcaale Takar oo garab istaagay Puntland, Dowladda Federaalka oo wajahaysa dhabar-jab siyaasadeed

Jeneraal Jimcaale Takar, oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday hoggaaminta howlaha Ciidanka Danab ee Puntland, ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe, kadib toddobaadyo uu ku sugnaa magaalada Laascaanood, xilli ay jireen warar la xiriiray khilaaf iyo is-mariwaa ka dhashay mowqifkiisa siyaasadeed iyo xiriirka uu la lahaa maamulka Puntland.

Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, soo laabashadiisa ayaa ka dambeysay wada-hadallo iyo dadaallo ay hormuud ka ahaayeen isimada dhaqanka gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, kuwaas oo la sheegay inay door muhiim ah ka qaateen dejinta xiisaddii ka dhalatay xiriirka u dhexeeyay Jeneraalka iyo maamulka Puntland.

Markii uu gaaray Garoowe, waxaa halkaasi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iyo Wasiirka Caafimaadka, kuwaas oo kulan la yeeshay Jeneraal Jimcaale Takar. Kulanka ayaa lagu sheegay mid diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa taliska Danab iyo hay’adaha amniga ee Puntland.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in Dowladda Federaalka ay hore u doonaysay in Jeneraal Takar uu hormuud ka noqdo abaabulka ciidamada taageersan dowladda ee ku sugan Puntland, iyadoo arrintaasi qeyb ka ahayd qorshayaal amni oo dowladda dhexe wadday.

Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kadib kulamo iyo wadatashiyo uu la yeeshay isimada dhaqanka Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ajnabi ah, Jeneraal Takar uu go’aansaday inuu la shaqeeyo maamulka Puntland, isaga oo sida la sheegay ka fogaaday qorshayaashii Dowladda Federaalka.

Haddii wararkan la xaqiijiyo, isbeddelkan ayaa loo arkaa mid saameyn ku yeelan kara loollanka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, xilli labada dhinac ay weli isku khilaafsan yihiin arrimo la xiriira dastuurka, awood-qaybsiga iyo maamulka amniga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *