LATEST NEWSLOCAL NEWSUncategorisedWARARKA

Dhimasho & dhaawac ka dhashay dagaalkii ka dhacay Deyniile & Xilehibaano gaaray

Xaaladda xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile ayaa haatan deggenaatay kadib dagaal culus oo halkaasi ku dhex maray ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, kaasoo ka dhashay isku day la sheegay in ciidamada ay ku doonayeen burburinta guryo ay leeyihiin shacabka.

Dagaalka oo socday muddo kooban balse aad u kacsanaa ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay si xooggan uga hortageen howlgalka ciidamada, iyagoo hubkooda la soo baxay si ay u difaacdaan guryahooda. Goob joogayaal ayaa sheegay in rasaas culus la is dhaafsaday, taasoo cabsi gelisay shacabka ku dhaqan xaafadda.

Wararka la xaqiijiyay ayaa sheegaya in ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku geeriyoodeen iska horimaadka, halka sidoo kale dhinaca shacabka ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo, inkastoo tirada rasmiga ah aan weli si buuxda loo shaacin.

Ciidamada dowladda ayaan ku guuleysan in ay fuliyaan qorshahoodii burburinta guryaha, kadib markii ay la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid dadka deegaanka. Arrintan ayaa sii kordhisay xiisadda ka taagan deegaanka, inkastoo hadda xaaladdu ay u muuqato mid xasiloon.

Dhanka kale, wafdi uu hoggaaminayo xildhibaanno ka soo jeeda beesha Murasade ayaa gaaray xaafadda si ay uga qeyb qaataan xal u helidda xaaladda. Wafdiga waxaa hoggaaminaya Xildhibaan Jacfar iyo Xildhibaan Faaiso Jayte, waxaana sidoo kale qeyb ka ah saraakiil ciidan oo ka soo jeeda deegaanka.

Xildhibaannada iyo wafdigooda ayaa la filayaa in ay la kulmaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo masuuliyiinta ciidamada si loo dejiyo xiisadda, loona helo xal waara oo ka hortaga in mar kale ay dhacaan iska horimaadyo noocan oo kale ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *