Kala shaki ka dhashay doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed & ku dhawaaqista Natiijada oo…

Waxaa weli cirka isku sii shareeraya xiisadda iyo muranka la xiriira natiijada doorashadii qof iyo codka ahayd ee dhowaan ka dhacday deegaannada maamulka Koonfur Galbeed , iyadoo guddiga doorashooyinka uu dib u dhigay ku dhawaaqista natiijada kadib cabashooyin xooggan oo kasoo baxay ururrada siyaasadeed iyo musharixiin u taagan xilka madaxtinimada maamulkaasi.
Guddiga doorashooyinka ayaa la filayay in saacadihii lasoo dhaafay uu si rasmi ah ugu dhawaaqo natiijada doorashada, balse arrintaasi ayaa hakad gashay kadib markii madaxda ururrada siyaasadeed iyo qaar kamid ah musharixiinta ay muujiyeen walaac la xiriira hannaanka tirinta codadka iyo daahfurnaanta geeddi-socodka doorashada.
Musharixiinta iyo ururrada ka qeyb galay doorashada ayaa si cad shaki uga muujiyay natiijada la filayo in guddigu shaaciyo, iyagoo ku eedeeyay xisbiga talada haya ee (JSP) inuu faragelin ku hayo habsami u socodka doorashada. Waxay sidoo kale sheegeen in maamulka doorashada uu si toos ah ugu jiro gacanta dowladda dhexe iyo masuuliyiin taageersan Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, taas oo ay ku tilmaameen mid dhaawaceysa kalsoonida lagu qabi karo natiijada kama dambaysta ah.
Warar laga helayo xarunta guddiga doorashooyinka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, uu saacadihii ugu dambeeyay waday kulamo isdaba joog ah oo uu la yeelanayo wakiillada ururrada siyaasadeed iyo musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Kulamadaasi ayaa lagu doonayaa sidii dhinacyada loogu qancin lahaa inay aqbalaan natiijada kasoo baxda doorashada, inkastoo qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha musharixiinta ah ay horay u shaaciyeen inaysan aqbali doonin natiijo kasta oo aysan ku qancin.
Sidoo kale, magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo gaar gaar ah oo ay wadaan siyaasiyiinta xildoonka, kuwaasi oo ka arrinsanaya tallaabooyinka ay qaadi doonaan haddii lagu dhawaaqo natiijo ay ku tilmaamaan mid aan cadaalad ahayn.
Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa iyaguna walaac ka muujiyay in muranka doorashada uu horseedi karo xasillooni darro siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaada geeddi-socodka dimuqraadiyeynta ee maamulkaasi.
Ilaa hadda guddiga doorashooyinka si rasmi ah ugama hadlin waqtiga cusub ee lagu dhawaaqayo natiijada, hase yeeshee waxaa socda dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed si looga baaqsado khilaaf hor leh oo hareeya doorashada.









