LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Beesha Caalamka oo cadaadis saareysa Madaxda DFS & Mucaaradka & xaalka oo..

Waxaa maanta markale la filayaa in kulan xasaasi ah uu ka furmo hotel ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, xubno ka socda siyaasiyiinta mucaaradka iyo sidoo kale wakiillo ka socda beesha caalamka.

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii shirkii shalay ay dhinacyadu yeesheen uu kusoo dhammaaday isfaham la’aan, iyadoo aan wax natiijo rasmi ah laga gaarin qodobadii ugu muhiimsanaa ee la isku hayay.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo xubno ka ag dhow wada-hadallada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad u diiday in miiska wada-hadallada lagu soo daro qodobka ku saabsan joojinta hanaanka doorashooyinka qof iyo codka ah ee dowladda Federaalka ay waddo.

Si kastaba, Madaxweynaha ayaa dabacsanaan ka muujiyay inuu diyaar u yahay in laga wada hadlo qaabka ugu habboon ee loo wajahayo hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, iyadoo ay jiraan walaacyo siyaasadeed iyo amni oo ay qabaan dhinacyada mucaaradka.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in aan la guda geli karin doorasho qof iyo cod ah iyadoo aan marka hore heshiis siyaasadeed oo qaran laga gaarin dastuurka, maamulka doorashooyinka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Kulamada socda waxaa dhinaca mucaaradka uga qeybgalaya siyaasiyiin miisaan culus ku leh siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada mas’uul ayaa horey dhowr jeer uga digay in dalka loo horseedo qalalaase siyaasadeed haddii aan la helin hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in mucaaradku doonayo in marka hore la isku raaco jadwal siyaasadeed oo cad, islamarkaana dib loo eego qodobada muranka badan dhaliyay ee dastuurka lagu sameeyay.

Wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan safiirrada dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa si weyn ugu lug leh dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka taagan.

Diblomaasiyiinta reer galbeedka ayaa la sheegay inay dhinacyada ku cadaadinayaan inay heshiis siyaasadeed gaaraan kahor 15-ka May, oo ku beegan dhammaadka muddada xilheynta dowladda hadda jirta.

Beesha caalamka ayaa ka walaacsan in haddii aan heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka ay taasi keeni karto khilaaf siyaasadeed oo hor leh, islamarkaana saameyn ku yeesha amniga iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *