Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee DFS oo u goostay Jubbaland, diidayna in laga qabto doorasho qof & Cod ah

Guddoomiyihii gobolka Gedo ugu magacaawnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cabdi Shimbir, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu la heshiiyay maamulka Jubbaland, isaga oo sheegay in dowladda federaalka aysan wax qorshe siyaasadeed ama doorasho ah ka fulin karin gobolka Gedo iyada oo aan lala tashan maamulka Jubbaland iyo maamulka gobolka.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayuu Cabdullaahi Cabdi Shimbir ku sheegay in mowqifkiisa cusub uu ka dambeeyay wada-hadallo iyo heshiis uu la galay maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya hore loogu heshiiyay inay doorasho ka qabato gobolka Gedo, balse sida uu sheegay aysan dowladda sameyn wax wadatashi ah oo lala yeeshay maamulka gobolka iyo Jubbaland, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo aan la aqbali karin.
“Doorasho lagama qaban karo gobolka Gedo iyadoo aan ogeyn maamulka Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdi Shimbir, isaga oo xusay in wixii hadda ka dambeeya ay si rasmi ah ula shaqeyn doonaan maamulka Jubbaland.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay waqtigeedii dhammaaday, sidaas darteedna aysan aqbali doonin doorasho aysan qeybaha siyaasadda isku waafaqsaneyn.
Guddoomiyaha ayaa eedeyn culus u jeediyay masuuliyiin katirsan dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isaga oo ku Eedeeyay in uu hurinayo xiisado iyo colaad siyaasadeed oo ka taagan gobolka Gedo.
Hadalkan kasoo baxay Cabdullaahi Cabdi Shimbir ayaa kusoo aadaya xilli uu weli jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo maamulka gobolka Gedo, oo muddooyinkii dambe ahaa meel ay isku hayaan labada dhinac.









