LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Jubbaland oo cambaareysay tallaabo ay qaaday Dowladda Soomaaliya

Jubaland ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay ku tilmaantay “sharci darro” oo maanta lagu hor istaagay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air, taas oo rakaab shacab ah ka qaaday magaalada Kismaayo kuna sii jeeday magaalada Dhoobley.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo lambarkeedu ahaa 5Y IFY lagu qasbay in ay beddesho jihadeedii safarka, iyadoo lagu amray inay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto garoonka diyaaradaha Wajeer ee dalka Kenya.

Jubaland waxay sheegtay in tallaabadan ay si cad uga hor imaanayso xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee maamulaya duulimaadyada rayidka ah, kuwaas oo mamnuucaya in adeegyada rayidka iyo duulimaadyada shacabka loo adeegsado dano siyaasadeed ama faragelin aan sharci ahayn.

Jubaland ayaa sheegtay in dhacdadan ay halis ku tahay badqabka rakaabka iyo xorriyadda isu socodka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay dhaawacayso kalsoonida guud ee nidaamka duulimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya.

“Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka ee wakhtigeedu dhammaaday ay mar kale hawada Soomaaliya u adeegsanayso aalad siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahayd adeeg qaran oo si siman loogu adeego dhammaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale maamulka Jubaland wuxuu sheegay in tallaabooyinka noocan ah ay sii xumeyn karaan xaaladda siyaasadeed iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Jubaland ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka, gaar ahaan Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), inay si dhow ula socdaan waxa ay ku tilmaantay xadgudubyada soo noqnoqday ee ka dhanka ah duulimaadyada rayidka ah iyo xorriyadda socdaalka shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *