LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kiiska Sacdiyo Bajaaj oo Go’aan laga gaarayo & Xeer ilaalinta…

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Sacdiyo Macalin Cali (Sacdiyo Bajaaj) lagu helay eedeymihii loo haystay kadib baaritaanno hordhac ah oo lagu sameeyey kiiskeeda, isla markaana dhawaan la horgeyn doono maxkamad awood u leh qaadista dacwadda.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in hay’adaha baarista iyo xeer ilaalintu ay gutaan waajibaadkooda sharciyeed, isla markaana maxkamaduhu ay si madax-bannaan u qaadaan kiisaska muwaadiniinta lagu soo eedeeyo dambiyada kala duwan.

“Sacdiyo Macalin Cali eedeymihii lagu soo oogay waa lagu helay kadib markii baaris hordhac ah lagu sameeyey kiiskeeda, xeer ilaalintana waajibaadkeeda ayey ka gudatay, maxkamad ayeyna kasoo muuqan doontaa,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo sheegay in muddooyinkii dambe ay soo kordhayeen falal uu ku tilmaamay “kicin bulsho, qabiil iyo qalalaaso amni”, islamarkaana wax walba loo rogay dhinac siyaasadeed.

“Waxaa waayahaan bilowday kicin bulsho, qabiil, qalalaaso amni iyo in wax walba la siyaasadeeyo. Maxkamadaha si cadaalad ah ayay u qaadayaan kiisaska muwaadiniinta la soo eedeeyo wayna u madaxbannaan yihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sacdiyo Bajaaj ayaa muddo 43 maalmood ah ku xiran dowladda Soomaaliya, iyadoo wararka la xiriira xarigeeda ay si weyn uga dhex muuqdeen baraha bulshada iyo doodaha siyaasadeed ee gudaha dalka.

Waxyaabaha ugu badan ee lagu eedeeyey waxaa kamid ah mucaaradnimo dowladda ka dhan ah iyo hoggaaminta bannaanbaxyo looga soo

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *