Bannaanbaxyo iska soo horjeedo oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka bilowday banaanbaxyo isdaba joog ah oo ay kala dhigayaan mucaaradka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo muujinaya xasarad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.
Gelinkii dambe ee maanta ayay kooxaha mucaaradka banaanbax ballaaran ku qabteen qeybo kamid ah jidadka magaalada Muqdisho.
Dadweyne fara badan oo kasoo qeyb galay banaanbaxaasi ayaa ku dhawaaqayay erayo ay si kulul ugu dhaliilayeen dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Dibadbaxayaasha ayaa muujinayay cabashooyin la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo sida dowladda u maareyneyso arrimaha dalka.
Goobihii uu banaanbaxu ka dhacay waxaa laga dareemayay dhaq-dhaqaaq xooggan, iyadoo shacabka isugu soo baxay ay watayeen boorar iyo hal-ku-dhigyo ay ku cabbirayeen aragtidooda siyaasadeed. Qaar kamid ah dadka banaanbaxayay ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan wax ka qaban cabashooyinka jira, halka kuwa kalena ay dalbanayeen isbeddel siyaasadeed.
Dhanka kale, dowladda Federaalka ayaa caawa abaabushay banaanbax kale oo lagu taageerayo dowladda, kaas oo loo arko mid jawaab u ah banaanbixii ay maanta dhigeen mucaaradka. Dadweynaha kasoo qeyb galay isu soo baxa taageerada dowladda ayaa iyaguna ku dhawaaqayay erayo ay ku dhaliilayeen mucaaradka, isla markaana ay ku muujinayeen taageeradooda dowladda iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Banaanbaxa taageerayaasha dowladda ayaa laga dareemayay qeybo kamid ah magaalada, iyadoo shacabka kasoo qeyb galay ay ku celcelinayeen halku-dhigyo ay ku difaacayaan dowladda, kuna cambaareynayaan waxa ay ku tilmaameen “carqalad siyaasadeed” oo ay mucaaradku wadaan.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa caawa u muuqata mid siyaasiyan aad u kacsan, iyadoo labada dhinac ay si toos ah ugu kala aragti duwan yihiin xaaladda taagan. Dad badan ayaa arrintan u arka in loollankii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhexeeyay mucaaradka iyo dowladda uu hadda galay marxalad cusub oo isu beddeshay banaanbaxyo la isku jawaabayo









