DEGDEG: Ninkii dilay Taliyihii Saldhigga Booliiska Jariiban oo berri lagu fulinayo xukun qisaas ah

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in dhinacyada ay khusayso ay isku raaceen in maalinta berri ah lagu fuliyo xukunka qisaasta ninkii lagu helay dilka Alle ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Jariiban, G/le Guuleed Kadleeye.
Go’aanka fulinta xukunka ayaa yimid kadib wadatashiyo iyo heshiis ay gaareen dhinacyada ay arrintu khusayso, iyadoo la sheegay in la waafajiyay habraacyada sharciga iyo go’aannadii hore ee laga gaaray kiiska.
Waqtiga rasmiga ah ee xukunka la fulinayo weli lama shaacin, waxaana la filayaa in hay’adaha ku shaqada leh ay faahfaahinta soo saaraan marka ay si rasmi ah u xaqiijiyaan jadwalka fulinta.
Marxuum Guuleed Kadleeye ayaa ahaa Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Jariiban, waxaana dilkiisu dhaliyay murugo iyo caro xooggan oo ka dhex dhalatay bulshada deegaanka, ciidamada ammaanka iyo guud ahaan shacabka Puntland.
Fulinta xukunka qisaasta ayaa lagu wadaa inay soo afjarto mid ka mid ah kiisaskii dil ee sida weyn looga hadal hayay gobolka Mudug.









