Jahwareer Siyaasadeed! Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo Isku Mari Waayay Qodobo Xasaasi Ah

Wadahadalladii u socday guddiyada matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa hakad galay kadib markii labada dhinac ay ku guuldareysteen inay isku afgartaan qodobo muran badan dhaliyay, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal u ah wadaxaajoodyada.
Sida ay xogtu tilmaamayso, wada-hadallada ayaa burburay markii xubnaha matalayay Dowladda Federaalka ay diideen inay sii wadaan wadaxaajoodka ku saabsan qodobada la isku hayay, taasoo keentay in kulamadii guddiyada ay natiijo la’aan kusoo dhammaadaan.
Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in guddiga Golaha Mustaqbalka uu kadib ku wargeliyay saaxiibada caalamiga ah inay hakiyeen ka qaybgalka wada-hadallada heerka guddiyada, iyagoo ku dooday in arrimaha la isku mari waayay aan lagu xallin karin heerka guddiyada.
Golaha Mustaqbalka ayaa la sheegay inuu ku baaqay in qodobada muranka dhaliyay si toos ah looga wada hadlo heerka hoggaanka siyaasadda dalka, ayna miiska wada fariistaan madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka si loo gaaro xal siyaasadeed.
Hakadka ku yimid wadaxaajoodyadan ayaa loo arkaa dib-u-dhac ku yimid dadaallada lagu doonayay in lagu yareeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, xilli Soomaaliya ay wajahaysay arrimo xasaasi ah oo la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo amniga.









