LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo Ciidamo U Dirtay Boosaaso, Xiisadda Puntland oo Cirka Isku Shareertay

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqaaqeen magaalada Garoowe una sii jeedaan Boosaaso, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya ciidamada la sheegay inay taageersan yihiin Dowladda Federaalka iyo kuwa ammaanka Puntland oo saaka ku dagaalamay magaalada Bosaso.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, ciidamada ayaa ka baxay Garoowe iyagoo ku wajahan Boosaaso, hase yeeshee tirada ciidamada iyo ujeeddada rasmiga ah ee dhaq-dhaqaaqan weli lama shaacin.

Dhaqdhaqaaqan ayaa imanaya saacado un kadib markii ay magaalada Boosaaso ka soo baxeen warar sheegaya xiisad amni oo u dhexeysa ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo inay xaaladdu isu beddesho iska horimaad.

Dad ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in magaalada ay ka jirto feejignaan sare, iyadoo bulshada ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo dadaallada lagu dejinayo xaaladda.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland midkoodna si rasmi ah ugama hadlin dhaq-dhaqaaqa ciidamada ama sababta ka dambeysa, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *