LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Danab Oo Weerar Lama Filaan Ah Ku Qaaday Khawaarijta, 9 Xubnood Oo Lagu Dilay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo si heer sare ah loo abaabulay ka fuliyay deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta.

Sida uu sheegay taliska Kumaandooska Danab, howlgalka ayaa lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo isugu jiray dagaalyahanno iyo xubno ka mid ahaa hoggaankooda.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, kuwaas oo lagu beegsanayo saldhigyada iyo hoggaanka Khawaarijta si loo wiiqo awooddooda.

Taliska Danab ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, isla markaana ay gaari doonaan goob kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuumaaleystaan oo dalka Kamid ah.

Dhanka kale, Kumaandooska Danab ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta si loo dardargeliyo howlgalada lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *