LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Midowga Yurub oo sheegay in ammaanka Somalia uu sii xumaanayo

Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Magangelyada (EUAA) ayaa warbixin cusub ku sheegtay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay si weyn uga sii dartay muddadii u dhexeysay 1-da Abriil 2025 ilaa 31-ka Maarso 2026, iyadoo sabab uga dhigtay khilaafaadka siyaasadeed, dowladnimo daciif ah iyo awoodda sii kordheysa ee Al-Shabaab.

Warbixinta oo ka kooban 137 bog ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay ballaarisay saameynteeda gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Baay iyo Bakool, iyadoo ka faa’iideysaneysa khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale wada-shaqeyn amni oo sii wiiqmeysa.

EUAA waxay sidoo kale xustay in Turkiga uu kordhiyay taageerada militari ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo qalab ciidan oo loo adeegsaday howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, inkastoo ololahaasi uusan weli gaarin guulo wax ka beddelaya xaaladda.

Dhanka kale, warbixintu waxay ammaantay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad, iyadoo sheegtay in awoodda kooxdaasi si weyn loo wiiqay.

Warbixintu waxay sidoo kale ka digtay in dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo qorshaha Mareykanka ee lagu joojinayo maalgelinta howlgalka dhammaadka sanadka 2026, ay sii adkeyn karaan la dagaallanka Al-Shabaab.

EUAA ayaa ugu dambeyn ku soo gabagabeysay in haddii aan la xallin khilaafaadka siyaasadeed, caqabadaha amni iyo xaaladda bani’aadantinimo, ay Al-Shabaab sii ballaarin karto gacanta ay ku hayso deegaanno hor leh oo Soomaaliya ka tirsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *