Howlgal culus oo lagu dilay Lix ka tirsan Al-Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyay

Degmada Baxdo ee Gobolka Mudug ayaa laga soo wariyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada macawiisleyda deegaanka, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Hawlgalka ayaa ka dhacay tuulada Booreey oo ku taalla inta u dhexeysa deegaannada Dabagalo iyo Warshubo, halkaas oo la sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay maalmahan dambe ka wadeen falal lagu dhibaateynayo shacabka, gaar ahaan uruursiga xoolaha ay leeyihiin dadka deegaanka.
Wararka laga helayo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamada macawiisleyda ay si xeeladaysan u qorsheeyeen hawlgalka, kadib markii ay heleen xog la xiriirta dhaq-dhaqaaqa kooxda. Intii uu socday weerarka, ciidamada ayaa la kulmay iska caabin kooban, balse ugu dambeyn waxay ku guuleysteen inay halkaas ku dilaan ugu yaraan 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen ciidamada macawiisleyda, iyagoo ku tilmaamay mid lagaga hortagayo falalka amni darrada ah ee ay kooxdaasi ka waddo deegaannada miyiga ah. Waxay sidoo kale sheegeen in xoolihii ay maleeshiyaadku uruursanayeen dib loogu celiyay milkiilayaashoodii.
Saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka ayaa xaqiijiyay in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, si loo xaqiijiyo amniga guud ee Gobolka Mudug, isla markaana looga hortago falalka ay kooxdaasi ku beegsanayso shacabka rayidka ah.
Hawlgalka Baxdo ayaa qeyb ka ah dadaallada isa soo taraya ee ay ciidamada deegaanka iyo shacabka iskaashanayaan, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab ee gobollada bartamaha Soomaaliya.









