LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Beesha Caalamka o soo farogelisay khilaafka DFS iyo mucaaradka soona bandhigay Go’aanlo culus

Warar aynu helnay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah safiirrada beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, ay xiriir la sameeyeen xubnaha Golaha Mustaqbalka, iyaga oo soo jeediyay qorshe ku saabsan sida loo dardargelin karo wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

Safiirrada ayaa soo jeediyay in haddii dhinacyadu oggolaadaan, in la helo dhexdhexaadiyeyaal fududeeya wada-hadallada, isla markaana Golaha Mustaqbalka ay qaataan kaalintaas dhexdhexaadinta, si loo abuuro jawi lagu kalsoonaan karo oo ay dhinacyadu ku wada hadli karaan.

Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay in goobta lagu qabto wadahadallada laga dhigo gudaha Xalane, oo ah meel si weyn loo ilaaliyo, taasoo loo arko inay fududeyn karto isu imaatinka iyo amniga dhinacyada ka qeybgalaya wada-xaajoodka.

Qorshahan ayaa sidoo kale xambaarsan in la koobo tirada ka qeybgalayaasha, iyadoo mucaaradka laga sugayo inay soo magacaabaan xubno kooban oo ku matala wadahadallada, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay iyaduna soo magacaabeyso guddi metela. Ujeeddadu waa in la dedejiyo go’aan gaarista iyo in la gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Mucaaradka ayaa horey u dalbaday in la helo dhexdhexaadiyeyaal lagu kalsoonaan karo oo fududeeya wadahadallada u dhexeeya iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo soo jeedintan cusub ay imaneyso xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo siyaasadeed oo u baahan xal degdeg ah.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan soo jeedintan ka timid safiirrada beesha caalamka, balse waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan jawaab cad oo ku saabsan sida ay dowladda uga falcelin doonto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *