Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu duqeeyay Guri ay ku shirayeen & khasaaro…

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqaymo xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Tardo oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo si weyn looga maqlay deegaanno badan oo ku dhow halka weerarka uu ka dhacay.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo deegaanka ah, diyaaradaha dagaalka ayaa fuliyay duqaymo culus oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay in halkaasi uu uga socday shir qorsheyn ah.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in jugta qaraxyada iyo dhawaaqa diyaaradaha dagaalka laga maqlay inta badan deegaanada ku teedsan magaalada Tardo, taas oo cabsi iyo argagax ku abuurtay shacabka ku nool halkaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay socotay muddo kooban balse ay ahayd mid aad u xooggan.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah oo madax-bannaan u xaqiijisay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, waxaana weli adag in la ogaado tirada dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay duqaynta. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa saraakiil iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo la rumeysan yahay inay kulamo ka wadeen deegaanka.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin duqayntaan, balse waxaa la filayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda ay faahfaahin dheeraad ah kasoo saarto howlgalka iyo khasaaraha ka dhashay.









