Ciidamada Dowladda ee ku sugan Puntland oo digniin u diray Siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada ka howlgala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa si adag uga digay qabashada shir ay qorsheynayaan xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya, kaas oo la sheegay in lagu qaban doono gudaha magaaladaas.
Warqad rasmi ah oo kasoo baxday taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in tallaabo kasta oo halis gelin karta amniga iyo xasilloonida Gaalkacyo aan la aqbali doonin. Ciidamada ayaa carrabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin ka hortagga wax kasta oo qalqal gelin kara nabadda, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu sugaayo amniga.
Taliska ciidanka ayaa sidoo kale tilmaamay in wararka ku saabsan shirar siyaasadeed oo lagu qabanayo magaalada ay sababi karaan hubeysi iyo kacdoon bulsho, taasoo khatar ku ah nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka gobolka Mudug.
Dhanka kale, ciidamada ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo inay ka fogaadaan falal kasta oo horseedi kara isku dhac ama rabshado, iyagoo xusay in ilaalinta amniga ay tahay masuuliyad guud oo saaran dhammaan bulshada.
Wararkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalka ka jiraan xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya, iyadoo dhinacyada kala aragti duwan ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo isa soo taraya.










